Dhageyso:-Banaanbax ka dhacay Magalada Cadaado

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah Shacabka kala duwan ee ku nool Magaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay dalbaanayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu fuliyo balantii uu horay ula galay ee aheyd in Magaalada Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado  oo meel fagaaro ah ku hadlayay banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay xoojinayaan hadalkii shalay ee Odayaasha Cadaado,kaas oo ahaa hadii aan Xarunta Baarlamaanka Galmudug laga dhigin  Cadaado aysan qeyb ka aheyn dhismaha Galmudug.

Waxaa ay sidoo kale hadalkooda intaasi ku dareen in marnaba ay lagama maarmaan tahay in Dowladda Soomaaliya ay fuliso balanqaadkii,isla markaana maqaamka Cadaado ay meel saarto,sidoo kalena hadii Xarunta Baarlamaanka Galmudug aysan noqon Cadaado aysan Dhuusamareeb u aqoonsaneyn Xarunta Maamulka Galmudug.

Si kastaba Banaanbaxaan Maanta ka dhacay Magalada Cadaado ayaa waxaa uu kusoo aaayaa xilli xalay Magaalada Dhuusamareeb lagu soo geb-gabeeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in loo gudbayo Wajiga 2aad ee dhisamaha Galmudug mideysan.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Odayaasha & Waxgaradka Cadaado ee banaanbaxa.