DHAGEYSO: Baarlamaanka Soomaaliya oo wada hadal la yeelan doona Puntland

Boosaaso-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono madaxda maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay mahad Cabdalla Cawad in tagitaankiisa Puntland ay ku aadantahay wada tashi uu maamulka Puntland kala yeelan doono arimaha Dastuurka.

Waxa uu sheegay in gaar ahaan uu puntland kala hadli doono Qorsheynta shirweyn oo looga hadlayo Dastuurka kaas oo Garowe ka dhacaya dhowaan.

Cawad ayaa intaasi raaciyay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweyntii loo sameeyay iyo in uu ka mid noqdo wafdigii uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ee ka soo soo raacay degmada Caabudwaaq.

Shalay ayay aheyd markii wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ay gaareen magaalada Boosaao iyagoo wada hadal la yeelan doona maamulka Puntland.