Taliyaha Ciidamada AMISOM Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka go’an tahay sidii loo taageeri lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay inta AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya ay xoojin doonto tababarada iyo sidoo kale qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliye Subagle ayaa xusay in AMISOM ay kaalin muuqda ka cayaari doonto sidii ciidamada Soomaaliya kula wareegi lahaayeen Ammaanka dalka.
Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo ka socda qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Afrika ,kuwaa soo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.



