DHAGEYSO: Al-Shabaab oo laga saarayo Sh/hoose

Ibraahim Aadan Cali “ Najax “ oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay socdaan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan gobolka Sh/Hoose.

Waxa uu sheegay in hada ay doonayaan in Al-Shabaab ay si gaar ah kaga xureeyaan inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Baraawe.

Waxa uu sheegay in hada degmooyinka qaar ay ka socdan howlgalo isla markaana ay rajeynayaan in Al-Shabaab dhawaan laga saaro degmooyinkaasi.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Gobolka Sh/Hoose ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada si Al-Shabaab loogu saaro gobolka oo dhan gaar ahaan meelaha ay ku xoogan yihiin.

Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyin iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxaana gobolkaasi ay kula dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah ku soo qaada Xarumaha Ciidamada Dowlada iyo Amisom ay ku leeyihiin Gobolkaasi.