Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay iminka kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiye Guudlaawe wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay weli ku harsan yihiin ee ku yaala gobolka Shabeelaha DHexe.
Sidoo kale wuxuu sheegay ineysan marnaba ku fikirin in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ka baxaan deegaanada laga qabsado Al-shabaab, taasi oo ka dhacday gobolo badan oo Soomaaliya ku yaala.
Cali Guudlaawe, ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka laga doonayo in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada Dowlada, si looga guuleysto dadka amni darada ka geysanaya deegaanada Al-shabaab laga saaro.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Biyo-Cadde.


