Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa loogu baaqay inuu magdhow siiyo qoysaska askartooda ku waayay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo Al-shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaankaasi.
Masuuliyiinta gobolka Trans Mara ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya looga baahan yahay iney niyada u dhisto qoysaska ciyaalkooda ku waayay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde.
Guddoomiyaha Xiriirka Bulshada ee Gobolka Trans Mara Leboo Morintat, ayaa sheegay in ay Dowladda uga baahan yihiin in aysan joojin Mushaarka ay qaadan jireen Askarta la dilay,si ay ugu noolaadaan,waxna ugu bartaan Carruurtii at ka tageen.
Joel Tasur, oo ah Siyaasi ka so jeeda isla Gobolka ayaa sheegay in Dowladdu ay tahay in ay joogto u bixiso Masruufka Qoysaska Wiilshadooda ku dhinteen Soomaaliya iyaga oo difaacaya dalkooda Kenya, waxaana uu ka digay in Dowlada ay dafirto xuquuqda dadkaasi.
“Waxaan ka dalbaneynaa dowlada iney sii wado bixinta musharaadka askarta iyo saraakiisha kale ee kudhintay dagaalkii Ceel-cadde, iyaga oo dalka difaacaya, waana iney magdhow siiyaan qoysaska si niyada loogu dhiso dadka caruurtooda waayay”ayuu siyaasiga.
Al-shabaab ayaa bartamihii Janaayo weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana ku dhintay askar badan oo Kenyan ah.


