Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa ka socda Tartanka Dusgiyada Sare ee Risaala, kaasi oo shalay ay si toos ah u daah fureen Madaxda Radio Risaala iyo Jaamacadda Banaadir.
Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala sanadkan waxaa taaba galinaya Jaamacadda Banaadir, taasi oo abaalmarino qaali ah oo ay ku farxaan siin doonta Dugsiyada kaalmaha hore ka gala Tartankan.
Su’aalaha la isku weydiinayo Tartankan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku saabsan Afka-soomaaliga iyo Taariikhda dalka, waxaana looga gol leeyahay hormarinta Afka-soomaaliga.
Maanta Tartankan waxaa isku arkay Iskuulada Al-safa iyo Al-faraj, kuwaasi oo xarunta dhexe ee Risaala kula soo shir tagay min 5 Arday oo ay wehliyaan macalimiintooda.
Iskuul walba ayaa waxa uu xaq u leeyahay in la weydiiyo 6 su’aal, waxaana tartankan ka qeyb galaya ilaa 16 iskuul, oo ku yaalla Gobolka Banaadir.
Galabta waxaa guuleystay iskuulka Al-safa oo keensaday 7 dhibcood, halka iskuulka Al-faraj oo la tartamayay uu la yimid 6 dhibcood.
Feysal C/laahi Maxamuud oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dusgiyada sare ee Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartanka iyo iskuulka badiyay.
Maalinta berri ah waxaa tartami doona iskuulada Macmuur iyo Abii-xaniifa, kuwaasi oo si hordhac ahaan aan ula hadalnay ay inoo sheegeen in ay diyaar garoobeen.














