DHAGEYSO: Abaarta waxaa keenay Biyaha oo aan laga Faa’ideysan

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya Saalim Caliyoow ibroow ayaa sheegay in abaarta soo noq noqota ay sabab u tahay biyaha oo aan si wanaagsan loogu faa’iideysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan qorshayaal lagu hormarinayo biyaha isla markaana dadka Soomaaliyeed ay ku wacyi gelin doonaan ka faa’iideysiga biyaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo keydin lahaa biyaha oo marka ay dhibaato imaado loogu badbaado sida uu sheegay Wasiirka.

Saalim Caliyoow Ibroow ayaa xusay in dhawaan soo bandhigayaan qorshayaal lagu hormarinayo Wasaarada Tamarta iyo Biyaha isla markaan dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ugu faa ‘iideysan lahayeen.