DHAGEYSO: Abaarta Puntland oo sii kordheysa

Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay in ay sii kordheyso Abaarta ka jirta Degaanada Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in gar gaar lala soo gaaro dadka ay saameysay Abaarta daran ee ka jirta dalka, gaar ahaan shacabka ku nool Degaanada Puntland.

C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay shacabka ku nool Degaanada Puntland in looga baahan yahay in ay is cafiyaan, Allena loo laabto, si Abaarta looga dulqaado.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay xadiga Abaarta ka jirta Degaanada Puntlland in ay tahay mid sii kordheysa.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.