Duqayn loo gaystay masaajid Suuriya ku yaalla oo galaaftay nolosha 42 ruux

Afartan iyo labo ruux ayaa dhintay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday masaajid ku yaalla tuulo ay mucaaradku maamulaan oo ku taalla waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay al-Jineh oo ka tirsan gobolka Xalab.

Kooxdan la socota xaaladda oo fadhigoodu yahay UK oo wararka ka hela dad ku sugan gudaha Suuriya ayaa sheegay in masaajidka la weeraray ay ka buuxeen dad tukanayay salaadda cishaha.

Kooxdani waxay sheegtay in dadka la dilay badan koodu ay ahaayeen shacab.

Tuuladan ayaa ku taalla mid ka mid ah deegaannada ugu waawayn ee ay mucaaradku Suuriya haystaan.

Ma cadda cidda sida rasmiga ah uga dambaysay weerarkan, laakiin diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa gobolkaas duulimaadyo ka sameeya.

Maraykanka ayaa sidoo kale duqaymo xagga cirka ah u gaysta dadka jihaad doonka ah ee deegaanadaas ku nool.