DHAGEYSO: Goormuu bilaabanayaa Mooshinka Shariif Xasan ?

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iminka ay soo idlaatay diyaarinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xubnahan ayaa waxa ay sheegeen 20-ka Bishan aynu ku guda jirno in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed bilaabi doonaan ka doodista Mooshinka laga gudbinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ku eedeynaya in uusan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed, iyaga oo sidoo kale sheegay in waqtiga uu ka idlaaday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayay ka dalbadeen in 20-ka Bishan uu u furo kalfadhiga xubnaha xildhibaanada, si ay u horgeeyaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlaya arrintan.