Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi cudurka shuban biyoodka ay ugu geeriyoodeen 12 qof.
Gudoomiyaha Degaanka Coodaanle Gobolka Togdheer Cabdi Maxamed Cali ayaa u sheegay warbaahinta in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay gobolka Togdheer.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ilaa iyo hadda ay u dhinteen cudurka shuban biyoodka 12 qof qaarkalena ay la ildaran yihiin.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa baaq u diray maamulka Somaliland oo uu ka codsaday in ay lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan degaanka Coodaanle ee gobolka Togdheer daryeel Caafimaad.


