Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ayaa ku eedeeyay Madaxda maamulka Puntland in ay ku fashilmeen Ammaanka magaalooyinka Boosaaso iyo sidoo kale Gaalkacyo.
Waxaa ay sheegeen in amnidaro daran ay ka jirto labadaasi magaallo.
Waxgaradka ayaa xusay in looga baahan yahay Mas’uuliyiinta maamulka Puntland in ay la yimaadaan isbadel.
Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay bishaan gudaheeda 3 Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo kala ahaa taliye ku xigeenkii Sadexaad ee ciidanka Booliska Puntland , Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso, iyo sidoo kale xeerilaaliyaha ciidanka Puntland.
Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ayaa bilhii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana shacabka Gaalkacyo soo wajahan cabsi fara badan.


