DFS oo sheegtay Al-shabaab badan lagu dilay Hiiraan.

War- saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , ayaa si weyn loogu bogaadiyay geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida oo si geesinimo leh ugu jabiyay Khawaarijta weerarro ay galinkii dambe ee maanta kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri”Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay.”.