Marco Rubio oo eedeyn u jeediyay Jarmalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio ayaa ku eedeyay dawladda Jarmalka inay awood u siisay hay’adaheeda sirdoonka inay dabagalaan mucaaradka , tallaabadaa oo uu ku tilmaamay inay ka hor imaanayso dimoqraadiyada, isagoo ka falcelinayay warbixinta ay hay’adda sirdoonka gudaha Jarmalka ka soo saartay baaritaan lagu waday xisbiga midigta fog ee AfD oo doorashadii u dambeysay kaalinta labaad soogalay, kaa oo hadda sirdoonka Jarmalka ay u aqoonsadeen xisbi xagjir ah oo kala qeybinaya dadka Jarmalka loona baahanyahay in laga hortaggo ku lug lahaanshahooda siyaasadda oo lagu sheegay inay halis ku tahay Jarmalka.

 

Rubio, wuxuu ku baaqay in go’aanka ay ka laabato dawladda Jarmalka , balse waqti badan ma qaadan xafiiska warfaafinta ee waaxda arrimaha dibadda Jarmalka inay barta X, uga jawaabaan qoraalka uu baahiyay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , iyadoo falcelinta lagu difaacay go’aanka loogu aqoonsaday xisbiga xagjir ah AfD.

Waxaana lagu yiri qoraalka falcelinta ;”Tani waa dimuqraadiyad. Go’aankani wuxuu ka dhashay baaris dhab ah oo madax bannaan oo lagu ilaalinayo Dastuurkeena iyo sareynta sharciga…Waxaan taariikhdeena ka baranay in loo baahan yahay in la joojiyo xagjirnimada.”