DFS oo shaacisay in la ballaarinayo xarumaha lagu baaro Covid-19

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta  iyo ka hortagga  Cudurka COVID19.

Shirka ayaa waxaa  looga hadlay ballaarinta adeegga sheybaarka COVID19, maadaama kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheyn iyo heerka diyaarinta isbitaalka Martiin 2 oo geba-gebo mareysa.

Sidii kale Guddiga ayaa waxaa ay shirkooda ku go’aamiyeen sidii Beledwayne loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya magaalada oo sameeya qorshe looga baaqsan karo fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka geysanayo Magaaladaasi Beledweyne.

Shirka Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa waxaa habeen walba ay ku yeeshaan Shirkooda mareegta dhinaca internetka,iyaga oo uga hadla xaaladaha Coronavirus iyo waxyaabihii kale ee soo kordha.