Ajaanib ku geeriyootay Bullaacad ku duntay Magaalada Hargeysa

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo muruq maal ah ayaa ku geeriyootay hal ruuxna waa laga soo badbaadiyey,kadib markii ay ku duntay Bullaacad ay qodayeen Magaalada Hargeysa.

Bullaacada ay ka Shaqeynayeen labada Nin ee geeriyootay ayaa waxaa ay ku taallaa Baarka Salaama Restaurant oo ku yaalla xaafada Qurac-dheer ee magaalada Hargeysa,waxaana meydka iyo qofka kale muddo saacado ah kadib soo saaray Ciidanka Dab-demiska Soomaaliland.

Askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhaawac ka soo gaaray hawlgalkaas,waxaana la sheegay in labada Nin ee ku dhimatay Godka ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Waddanka Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo dad xoogsato ah ay ku dhacaan ama ay ku dunto bullaacad ama Goobo kale oo ay qodayeen,waxaana ay ka dhacaan deegaano badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.