DFS oo markale ku dhawaaqday in dib loo howlgelin doono Diyaarada Somalia Airlines.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka sanadkan la howl galin doono duulimaadyadii diyaaradda Somali Airlines.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaarada Somali Airlines iyo qalab kalaba ay diyaar yihiin, islamarkaana inta sanadka ka dhiman si rasmi ah dalka looga howl gelin doono.

“Waxaan raba shacabka Soomaaliyeed inaan u sheego farxad ku saabsan inaan dib u howl galin doono inta uusan dhamaan sanadkan diyaaradii Somali Airlines” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray “Waxaan u baahanahay inaan aduunka tusno in la aamini karo garoonkeena oo ugu yaraan aan ka dhigno xata garoomada dalalka dariska nala ah hadii aanan gaari karon kuwa dalalka hormaray, hada 15 ka mid ah garoomada dalka waxaaa ku socda dayactir qaarkood gabagabo ayay marayaan, waxaana dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka dalbanaya inay dhowran nidaamka sharciga oo aan garoonka lagu dhex buuqin”,

Soomaaliya ayaa qorsheyneyso in 33 sano kadib si rasmi ah dalka uga howlgasho diyaaradii Somali Airlines.