Booliska oo gacanta ku dhigay ganacsade lagu qabtay 11 kiilo oo maandooriyaha xashiish ah

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Hodan ayaa ku guuleystay qabashada eedeysane lagu tuhunsan yahay inuu si qarsoodi ah uga ganacsanayay maandooriyaha nooca xashiishka ah.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay isagoo wadan 11 kiilo oo xashiish ah.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah ka hor inta aan loo gudbin maxkamadda ku shaqada leh.

 

Taliska Booliska ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed in aysan ku lug yeelan ganacsiga ama isticmaalka maandooriyaha, iyagoo xusay in cid kasta oo lagu qabto dambiyada noocan ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.