DFS oo magacowday guddi farsamo oo ka shaqeyn doona dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddiga Farsamo ee Dhameystirka Maamul-dhiska Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Xubnaha Guddiga la magacaabay ayaa ka mid ah:-

1 Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi Gudoomiye

2 Cabdinasir Xaaji Maxamed Guddoomiye Ku-xigeen

3 Axmed Shire Axmed (Garoon) Xubin

4 Carafaat Cali Maxamed Xubin

5 Axmed Yuusuf Maxamuud Xubin

6 Rufaci Maxamed Salaad Xubin

7 Maxamuud Siciid Nuur Xubin

8 Fadumo Cabdi Cali Xubin

Guddigan ayaa lagu wakiishay inay hoggaan u noqdaan dhammeystirka maamul-dhiska rasmiga ah ee SSC-Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka

Hoos ka akhriso guddiga la magacaabay