DF oo joojisay Diyaarad Qaadka geyn jirtay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Qaadka magaalada Jowhar ayaa shalay iyo maanta waxaa laga qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay joojisay Diyaarad Qaadka geyn jirtey magaalada Jowhar.

Maxamed Diiriye Khaliif  oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno la socday ayaa la kulmay ganacsatada Qaadka soo degsata, si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi, oo ujeedkiisu ahaa xal ka gaarista murano iyo khilaaf ka dhex jira.

Maxamed Diiriye Khaliif Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta uga waramay go’aankaasi dhaqan galkiisa.

“Waxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuurgalno Digreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha, taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanay in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay yimaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqan galay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatay”. Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in Diyaaradii Qaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo, isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Qaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay Wasaaradda, islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo.