Afgooye-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa koox hubeysan oo maqribnimadii caawa degmada Afgooye gaar ahaan xaafada Imbigaati ku dishay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda, mid kalena ku dhaawacday.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay kooxda hubeysneyd in Askarta ay ka toogteen gadaal, kadibna ay uga dhaqaaqeen Meyd ahaan, balse mid uu geeryooday, halka midka kalena uu dhaawacmay.
Kooxdii dilka geysatay oo qaadatay labadii Qori ee Askarta ayaa goobta ka baxsatay, daqiiqado kadib markii goobta ay soo gaareen Ciidamo hubeysan oo watay Gaadiidka dagaalka.
Ciidamada ammaanka ayaa caawa howlgallo amni xaqiijin iyo sidii loo soo qaban lahaa raggii falkan geystay waxa ay ka wadaan Agagaarka goobta uu dilka ka dhacay.


