Xiddiga Tottenham Dele Alli ayaa jaray xiriirka qoyskiisa kadib markii uu magaca Ali ka reebay qoraalka funaanada uu ku galo garoomada.
Aabaha xidigan Kenny Alli oo ah nin ganacsada ah ayaa ka niyad jabsan talaabada uu dhowaan qaaday wiilkiisa kaas oo diiday magaca qoyskooda oo dhan,waxaa uu kasoo safray 5,000 oo miles si uu ugu qanciyo inuu badalo mowqifka wiilkiisa laakiin wali waa diidan yahay.
Markii hore waxaa funaanada ugu qornaan jirtay Alli laakiin hada waxaa uu ku badashay Dele.
Kenny oo 46 jir ah ayaa la kulmay wiilkiisa waxaana uu daawaday labo kulan ,waxa la sheegay inuu dib ugu laabtay USA markii uu wiilkiisa uu qaadacay arinka.
Hooyada laacibkaan oo la yiraahdo Denise waa 53 jir taas oo wali saaxiib la,ah Kenny inkastoo ay is fureen waxaa ay sheegtay in Dele Alli ay tahay inuu xushmeeyo magaca awoowgii.
Xidigaan waxaa iska dhalay aabe African ah iyo hooyo reer Yurub ah.


