Kabtanka England Wayne Rooney iyo daafaca lagu magcaabo Ryan Bertrand ayaa seegay tababarka isniintii maanta ah xulkoodu sameynayo.
Labada ciyaaryahan ayaa la rajeynayaa in ay seegaan kulanka saaxiibtinimo ee Spain xulkoodu ku wajahayo garoonka Wembley habeen dambe.
Rooney ayaa ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda kulankii England 3-0 ka badisay isreebreebka koobka adduunka xulka Scotland garoonka Wembley jimcihii lasoo dhaafay, markaasoo uu ka caawiyay Gary Cahill goolka saddexaad ee Three Lions ‘.
Bertrand, oo ku bilowday isna kulankii England 2-0 kaga badiyeen Malta, ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ugu dambeeyay.
Da’ yarka Tottenham Dylan Duncan ayaa laga yaabaa in tababaraha England uu ugu yeeri xulka markii ugu horeysay.


