Wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Boosaaso gaar ahaan deegaanka Meermeerta ayaa waxa ay sheegayaan in shil Gaari uu halkaasi ka dhacay.
Shilkan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhimatay 2 qof halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa lageeyay isbitaalka magaalada Boosaaso.
Waxaana la sheegay in shilkan uu sababay wadooyinka oo ahaa kuwa burbursan.
wararka qaar ayaa sheegaya in shilkan ay galeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso.
Maamulka Puntland ayaanan wali ka hadlin shilkan ay galeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.


