DEG DEG: Qaraxyo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa 2 Qarax oo nuuca Bambo gacmeedka ah lagu weeraray saldhig Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Qaraxyadan ayaa la sheegay in si weyn looga maqlay xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in Qaraxyada kadib ay Ciidamada Amaanka rideen Rasaas fara badan, sidoo kalena ay hada wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkan.

Saakay ayay aheyd markii Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland ay Howlgal ka sameeyeen xaafada Guul-wade, kadib markii Bambo gacmeed lagu soo weeraray saldhig ay Ciidanka ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.