Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka socda Jowhar

Muqdisho-RisaalaFM- Shirka Ergada Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo galay maalinkii Afaraad ayaa maanta Ergadu waxa ay kaga doodeen qabya qoraalka Dastuurka Dowlad Goboleedka Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

Ergada oo loo qeybiyay ilaa 5 koox oo midkiiba uu ka kooban yahay 50 qofood ayaa doodooda waxa ay ku saleysneed wax ka badalka qabya Qoraalka Dastuurka iyo dhameystiirkiisu qodobada muhiimka ah ee la xiriiro gundhiga caasimada cusub Dowlad Goboleedka Hiiraan Iyo Sh/Dhexe, Magaca Dowlad Goboleedka, astaanta iyo calanka maamulkaas.

Shirkaani ayaa waxaa maanta goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka oo uu hor ka caayo xoghayaha joogtada ee wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka, Pro Yaxye Cali Ibraahim iyo xubno ka tirsan gudiga fududeenta doorashooyinka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Pro Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in magaca Maamulkan loo bixiyay Hir-shabeele, sidoo kalena la isku afgartay Calanka iyo Astaanka uu yeelan lahaa Maamulkan.