Jowhar-RisaalaFM- Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta isku raacay magaca uu yeelanayo maamulkan iyo astaanta calanka, iyadoo lagu wado in maalinta khamiista la ansixiyo dastuurka maamulka.
Pro Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in magaca Maamulkan loo bixiyay Hir-shabeele, sidoo kalena la isku afgartay Calanka iyo Astaanka uu yeelan lahaa Maamulkan.
Ergada ayaa sidoo waxa ay meel ay mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.





