Deg Deg: Qarax Weyn oo khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qarax weyn oo maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo dhacay Bar koontarool  oo ku taalaa gudaaha Xaafada Nuur Xawaad ee Magaalada Baladweyne

Goob joogayaal  ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in uu geystay khasaare isugu jirta dhimasho & dhaawac .

Sidoo kale ‘ Qaraxa Ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa bur buriyay Guryo ay degan yihiin Dad shacab  ah .

Dadkii ku dhaawamaay Qaraxii ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa loo qaaday Goobaaha Caafimaad ee ku yaala Magaaladaas si loo daaweeyo.