Qarax khasaaro geestay oo lala eegtay ciidamada Dowladda

Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wararka ku heleyso in kolonyo Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran lala eegtay qarax miino nuuca dhulka lagu aaso xili ay maraayeen inta u dhaxeyso Deegaanada Weydoow iyo Macaani oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada miinada lala eegtay saddax kamid ah in ay ku geeriyoodeen qaraxaasi miino sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada miinada lala eegtay ayaa gaari rakaab ah oo halkaasi ka ag dhawaa ku furay risaas fara badan mana la oga khasaaraha ka dhacay risaastaasi.

Waxaa suurtagal ah in qasaaraha uu intaas ka bato halkaan ayaadna kala socon kartaan wixii warkaan kusoo kordha.