Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir Nuurow ayaa ku dhintay qarax miino.
Qaraxa ayaa lagula eegtay degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Dagmada Afgooye.
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Risaala u sheegay in taliyaha uu kusoo jeeday Muqdisho.
Waxa sidoo kale waxyeelo ay soo gaartay Ciidamo la socday taliyaha.



