Deg Deg: Qarax khsaare geystay oo ka dhacay deegaanka Lafoole

Lafoole-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari BL ah ay Miino kula kacday deegaankaasi.

Inta la ogyahay 4 Qof ayaa ku dhimatay halka 6 Qof oo kalena uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi loo soo qaaday Isbtaalada magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso sidoo kalena ay la kacday Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Maamulka Degaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta loola beegsaday Qaraxan dadka shacabka ah, laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.