Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay gubeen Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin ciidanka dowladda, kaas oo la sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya uu uga ciladoobay wadada.
Gaarigan ayaa la sheegay in uu ka ambabaxay degmada Afgooye isagoo ku sii jeeday deegaanka Laanta-buuro oo 15 KM ujira degmada Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana weerar ku soo qaaday Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, iyadoo Gaarigii ay la socdeen ciidanka dowladda lagu dhuftay Qori 7 ah oo ay wateen Shabaab.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo gaareen goobta lagu gubay Gaariga Booyada ah sidoo kalena ay sheegeen in ay la’yihiin ciidamadii la socday Gaariga Booyada ah.
Ilaa iyo hada kama aysan hadlin saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose sheegashada Al-shabaab ay ku sheegteen in ay gubeen Gaariga Booyada ah.
Ururka Al-shabaab oo baraha wararkooda ay ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in xalay kolonyo ciidanka dowladda ah ay wadada ugaleen sidoo kalena ay uga gubeen Gaari Booyad ah.