DHAGEYSO: Xukuumada “Culimada way ka soo qeyb gali karaan shirka Golaha Wasiirada”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda War faafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirka Golaha Wasiirada ee maanta ay ka soo qeyb gali karaan He’ada Culimada Soomaaliyeed kadbi markii culimada ay sheegeen sharciga ku aadan siyaasada Jinsiga Haweenka qaar ka mid ah qodobada ku jira in ay ka hor imaanayaan Diinta Islaamka.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Culimada laga doonayo in ay keenaan qodobada ku jira sharcigaasi ee ka hor imaanaya Diinta Islaamka, islamarkaan shirka Golaha Wasiirada ay ufuran yihiin in ay ka qeyb galaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in si qalad ah loo fasiray qodobada ku jira siyaasada Qaranka ee Jandarka, isagoo tilmaamay in Golaha Wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan in marka horaba ay ka fiirsadaan.

Culimada Soomaaliyeed ayaa bulshada uga digay qaar ka mid ah qodobada ku jira sharciga siyaasada Jinsiga Haweenka oo Golaha Wasiirada dhowaan ay ansixiyeen sharcigaas oo ay ku tilmaameen qaar ka mid ah qodobada ku jira in ay ka hor imaanayaan Diinta Islaamka.