DEG DEG: Qarax ka dhacay Duleedka Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Gasarta oo ku yaalla Duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisu in uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana Ciidankaasi soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay Raashiin u wadeen Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugan Deegaanka Deynuunay oo 18-KM ujira Magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 6 Askari halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu Qarxaxa u dhacay.