Iska hor imaad ka dhacay Sh/Dhexe

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Shabaab ay weerar ku qaadeen Tuulada Ceel-baraf oo ka mid ah Tuulooyinka hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay in uu ku geeryoodey 1 Nin oo Ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqiinay Tuuladaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa Risaala u sheegay in ay ka warqabeen weerarkan Shabaab ay ku soo qaadeen Tuuladaasi Ceel-baraf taasina ay keentay in ay ka hortagaan.

Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay kala dagaalamayaan in dib ay qabsaaan Tuuladaasi iyo Tuulooyin kale.