Faah faahin Dagaal markale dib uga Qarxay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa a sheegayaan in maanta markale halkaasi uu ka Qarxay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in ay arkayeen dad dhaawacyo ah oo la geynayay Isbitaalada.

Saakadii hore ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo xaafado ka tirsan laga dareemayay Rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen, Rasaastaas ayaana markii dambe isku bedeshay Dagaal culus oo labada dhinac ay isweedaarsadeen  Hub culus.

Dadkii deganaa Magaalada ayaa isaga barakacay kol hore, waxaana sidoo kale la sheegayaa in maanta ay jireen dadkale oo maanta ka barakacay xaafadaha ay Dagaalada ka socdaan.