Masar-RisaalaFM- Shirka Baarlamaanada Afrika oo sanadkii labo jeer la qabto, sidoo kalena lagu qaban jiray Dalka South Afrika ayaa sanadakan waxaa loo wareejiyay Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar.
Shirkan Baarlamaanada Afrika ee lagu soo gaba gabeeyay Masar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Masar C/fataax Al-sisi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Masar, Gudoomiyaha Baarlamanaada Afrika iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Axmed Bin Maxamed (Jawraani) iyo xildhibaano matalayay Dowladda Soomaaliya.
Ajandaha shirka Baarlamaanada Afrika ayaa sanadkan waxaa looga hadlayay sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka sida gaarka ah ay u leeyihiin wadamada Carabta iyo Afrika iyo ka wada shaqeynta Amniga Qaarada Afrika.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya u matalayay shirka Baarlamaanada Afrika ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.


