AKHRISO: Golaha Wasiirada K/Galbeed oo yeeshay kulan aan caadi aheyn

Golaha Wasiirrada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeedka Soomaaliya, ayaa Maanta ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka gaar ahaaa xaaladda Gobolka Sh/Hoose oo ay colaado ka soo cusboonaadeen iyo sidii loo qaboojin lahaa.

Golaha Wasiirrada ayaa u mahad celiyay Ciidamada K/Galbeed, kuwa xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM, waxanaana ay ugu mahad celiyeen doorkii ay ka qaateen xakamaynta ammaanka deegaannada Lambar Konton, Ceel wareegoow, Buufoow, Qoryooleey iyo Marka kuwaas oo kaalin mug leh ka qaatay la dagaallanka Al-shabaab.

Golaha wasiirrada ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu dambayn baaq u diray Dowladda federaalka iyo Hay’adaha Sama falka, si ay gurmad Bini’aaddannimo ugu fidiyaan Dadka ka soo qaxay abaaraha ka taagan Qoryooleey iyo nawaaxigeeda,kuwaas oo ku dhibaataysan goobo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose.

HALKAN RIIX SI AAD U AKHRISATO