Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socota Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Munaasabada lagu dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ee ka socota Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Dowladda, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Gobolka iyo xubno kale.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya Abuukar Xasan Maqani iyo Sheekh Cusmaan Barre, waxaana maanta Hoolka ay ka dhaceyso Munaasabada aan soo xaadirin Musharaxa Saddexaad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulle Isgoow.
Xildhibaanada ayaa u kala codeynaya Labada Musharax ee xilkan u taagan, kuwaas oo kala ah Abuukar Xasan Maqani iyo Sheekh Cusmaan Barre, waxaana la filayaa in wareega Koowaad lagu kala baxo maadaama Laba Musharax oo kaliya ay tartamayaan.


