Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyey Maqaayadda Blue Sky oo u dhaw taallada Xaawa Taako ee degmada Boondheere.
Maqaayaddaan waxay u dhexaysaa laba Bar koontarool ee ciidanka madaxtooyada oo kala ah midka Jilacow iyo midka Xaawa Taako waana meel aammaankeeda aad u adagyahay.
Ciidamada madaxtooyada ayaa xiray dhammaan aaggaas ayagoo diiday in warbaahinta iyo dadka kale tagaan goobta, wixii faahfaahin ah wariyaasheenna oo ku sugan agagaarka goobta ayaa noo soo gudbin doono, halkan ayaana idinkula wadaagi doonnaa.



