DEG DEG: Maxkamadeynta Badmaaxiyiin oo Gaalkacyo ka socota

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka bilaabatay Maxkamadeynta Badmaaxiin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay in ay wadeen Kalluumeysi sharci daro ah.

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan soo qabtay Badmaaxiyiintaasi u dhashay dalka Yemen.

Ciidamada Badda Galmudug ayaa raggaasi ku eedeeyay in ay xaalufin ay ku haayeen xeebaha Galmudug, islamarkaana ay doonyo ku guranaayeen Kalluunka.

Xabsiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku jira dhowr qof oo u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay kalluumeysi sharci daro ah in ay ka wadeen xeebaha Galmudug.