Puntland oo xukuno dil ah riday

Boosaaso-RisaalaFM- Magaalada Boosaaso wararka inaga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xukuno dil ah lagu riday Dhalinyaro lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay Gobolka Bari, sida uu soo sheegayao wariyaha Risaala ee Degaanada Puntlanmd.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa xukunadan ku riday dhalinyaro gaareysa 6, kuwaasi oo dambi ah dilal ah ku eeedeysnaa.

Dhalinyaradan ayaa Da’dooda waxa ay u dhaxeysaa 20 sano ilaa 35 sano, waxaana in mudo ah ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Gobolka Bari.

Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeymo iyo marqaatiyaal, iyadoo ugu dambeyn Maxkamadda ay go’aamisay in dhalinyaradan lagu rido xukun Toogasho ah, kaasi oo dhowaan lagu fulin doono.

Magaalada Boosaaso dhowaanahan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah, kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Puintland iyo xubnaha dhaxal galka u ah bulshada.

Warkan oo faah faahsan kala soco Risaala.net