Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA General C/raxmaan Tuur yare.
Xasan Sheekh ayaa xilkaasi si kumeel gaar ah waxa uu ugu magacaabaya General C/laahi Gaafow oo ahaa Taliyihii Hogaanka iyo socdaalka Jinsiyadaha.
Maalmihii dambe Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadal hayeen in xilka laga qaadayo Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya General C/raxmaan Tuur yare.


