Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa goor dhow magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo in mudo ah laga sugayay, maadaama waqti dheer loo siiyay in uu ku soo magacaabo.

Madaxweyne Cosoble ayaa soo magacaabay 23 Wasiir, 23 Wasiir ku xigeen iyo 6 Wasiiru Dowle, sida ku cad warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Mr. Cosoble ayaa maalmihii dambe kulamo la qaadanayay Odayaasha iyo Beelaha dega Degaanada Hirshabeelle, kuwaasi oo uu kala hadlayay soo xulista Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle, kaddib bilooyin uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Goor dhow filo magacyada xubnahan kalana soco Risaala.net