DHAGEYSO: Maalinta Ciidamada Asluubta oo la xusay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 47-sano guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa faray Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed sida ay muhiim u tahay meel marsiinta qodobada Dastuuriga ee qeexaya xuquuqda Muwaadiniinta ku jira xabsiyada Dowladda in la dhowro.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Asluubta ay ku sugan yihiin daruufo marka loo eego ilaalinta xabsiyada ay gacanta ku hayaan iyo Miisaaniyad weyn oo Dowladdu aysan ugu talagelin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa soo hadal qaaday xaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho isagoo xusay dhismahan in uu yahay mid mar hore la dhisay una baahan il ku heyn gooni ah.