Deg Deg: Diyaarado Duqeyn ka geystay Gedo

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Diyaarado Dagaal ay Duqeymo ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay duqeeyeen saldhigyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay geysatay khasaare, waxaana ilaa iyo hada aanay jirin Mas’uuliyiin ka hadashay Duqeyntan oo ka tirsan Jubbaland.

Alshabaab weli kama aysan hadlin Duqeyntan la sheegay in laga geystay saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo.