Dagaal u dhaxeeyo ciidamada Al-shabaab iyo Puntland ayaa ka bilowday deegaan ku yaala duleedka Garacad oo ah halkii ugu horey oo Al-shabaab maanta oo kale ay ka tageen Puntland.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hub kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii ciidamada Puntland ay weerareen goob la sheegay iney Al-shabaab ku sugan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo meel duleedka ka ah garoonka diyaaradaha ee Garacad, waxaana kusugan deegaanka Garacad wafdi ka tirsan Puntland.
La soco waxii kuso kordhaa Insha allah.


