Dagaal u dhaxeeya ciidamada Alshabaab iyo kuwa Puntland ayaa ka bilowday deegaano ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan duleedka degmada Jariiban ee gobolkaasi.
Dagaalka ayaa hadda ka socdo deegaan lagu magacaabo Dabaguran iyo deegaan kale oo ku yaala duleedka degmada Jariiban ee gobolka Mudug, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa in dagaalka uu bilowday markii ciidamada Puntland isku dayeen iney deegaanka gudaha u galaan.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegaya in dagaalka uu bilowday nus saac ka hor walina uu ka socdo duleedka Garacad ee gobolka Mudug.


