Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ay wajaheen deegaano ku yaalal duleedka Afgooye oo Shabaabka ay ku sugan yihiin.
Dagaalka xoogiisa wuxuu ka socdaa duleedka deegaanka Mareerey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dalbadeen gurmad badan oo ciidan ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Huwanta ee weerarka lama filaanka ah ku soo qaaday.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maadaadam dagaalka uu wali socdo.
Wixii ku soo kordha kala soco Risaala.net